Codeynta Aqalka Hoose oo ka bilaabantay Puntland
Puntland ayaanoqotay maamul goboleedka ugu horreeyay oo bilaabay doorashooyinka baarlamaankafederaalka ah ee Golaha Shacabka.
Codbixintu waxay bilaabatay goor hore eemaanta magaalada Garowe ee caasimaddamaamulka Puntland. Wadar dhan 37 xubnood ooka mid noqon doona Golaha Shacabka ayaa Puntland ku dooran doona tiro la mid ah kulliyadaha doorashada, kuwaasoo mid walba uuka kooban yahay 51 ergo.
Dhowr kuraas ee Golaha Shacabka ayaa maantalagu loolamay, iyadoo 612 ergo oo loo doortay12 kulliyad doorasho ay codkooda dhiibteen.
"Habka maanta wuxuu ahaa mid hagaagsan. Ma aanan la kulmin wax dhibaato ah. Waxaan barrisii wadi doonaa doorashooyinka, "ayuu yiriBurhaan CiImi Xirsi, oo xubin ka ah guddigadoorashooyinka dadban ee heerka gobol.
Kormeerayaasha doorashada ayaa muujiyay kuqanacsanaan habka codaynta ee maanta la sameeyay.
"Waxaan xaqiijin karaa in aan arkay doorashocadaalad ah iyo mid sidii loo qorsheeyay u dhacday. Eargooyinka iyo hawlwadeenadadoorashada waa dad daacadnimo sare leh, waajibaadkoodana si caddaalad ah u gutay. Sidaaan maanta arkay, waxan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay diyaar u tahay doorashada halqof-hal cod (2020), "ayaa tiri goobjoogedoorasho Amina Mohamed, oo ka tirsan xaruntacilmi barista iyo horumarka Puntland (PDRC).
"Doorashada maanta waa mid ka mid ah tan ugufiicnayd ee aan abid arko, waxay ahayd mid degan oo cadaalad ah. Waxaan ka qeyb qaataydoorashooyin hada ka hor, laakiin tani waa mid ka duwan, tani waa mida aan u baahan nahay, "ayaa tiri Cibaada Faarax Cali, oo kamid ah ergada doorashada.
Afar maamul goboleed ee dowladda federaalkaxubin ka ah - HirShabelle, Jubaland, KoonfurGalbeedSouth-West State iyo Galmudug – ayaasidoo kale ka qayb qaadan doonaandoorashooyinka golaha shacabka. Waxaa kalooka qayb qaadan doona Somaliland iyo GobolkaBanaadir
Marka nidaamka doorashada 2016 la dhamaystiro, 275 xubnood ayaa loo doorandoonaa Golaha Shacabka dalka.