Soomaaliya ayaa eegaysa doorka waaxda badaha ee soo kabashada dhaqaalaha COVID-19 kadib
Muqdisho – Xilli ay ku taal goob istarataiji ah oo ay marin u ah maraakiibta ah caalamiga ah, lehna xeeb dhererkeedu le’ehyahay 3,300 oo Kilomitir, waxaa dhawaan soo if baxday fursadaha ay Soomaaliya ku noqon karto wadan muhiim u xaga badaha, waxa ay xustay Maalinta Badaha Aduunka.
“Maadama Biyeheeda ay dhacaan goob istaraatiji u ah, kulmiyaan qaar ka mid ah marinada ugu muhiimsan ay isticmaalaan gaadiidka badda, waxa ay Soomaaliya ka dhigeysaa mid leh door muhiim ah oo ay qaadan karto madwuuca xuska Maalinta Badaha Aduunka ee sanadkan,” waxaa sidaas yiri Ku Xigeenka Kaaliyaha Ergeyga Gaarka ee Xogyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo kaashaneysa Howlgalka Kaalmada Qqaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) , shrka waxaa looga dooday istiraatiijiyada lagu horumarin karo Waaxda Badaha iyo Maraakiibta dalka, Kalluumeysiga, amniga badaha, iyo sidii loo taageeri lahaa sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka waaxda.
COVID-19 Kadib
Mr. Abdelmoula, waxa uu kelmediisii hoosta uga xarriiqay doorka waaxda Badaha ay ku leedahay fududeynta ganacsiga aduunka marka laga yimaado saameynta taban ee uu dhaqaalaha aduunka ku yeeshay CONVID -19, waxa uu ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya in ay taageeraan waaxda Badaha ee soo kabaneysa.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryam Aweys Jaamac, waxa ay xustay in fulinta cashuur dhaafka ee loo sameeyay ku soo dajiya badeecadaha aas aasiga ah sida cuntada, daawooyinka iyo shidaalka in ay tahay tallaabo muhiim ah si loo yareeyo culeysyada haqaale ee uu COVID-19 sabay.
“Cudurka Saf-mareenka ah waxa uu muujiyey in gadiidka badda yahay habka loogu kalsoonida badan yahay, ugu macquulsan, qarashkana yar kaas oo lagu qaado in ka badan 8O boqolkiiba ganacasiga adduunka, taas ayaa wali ah fududeeyaha ganacsiga caalamka guud ahaan,” waxaa sidaas tiri Marwo Maryan. “Sidaas daraadeed, Gadiidka Badda iyo Badaha waxa ay ahaan udub dhexaadka soo kabashada dhaqaalaha iyo kobac mustaqbal waara.”
Horumarka Soomaaliya
Inta uu kulanka socday, ka qeybgalayaasha waxa ay fursadda uga faa’ideysteen in ay dib u milicsadaan ahdaaftii loo aas aasay hay’adda Badaha Caalamka (IMO) 1958dii, iyaga oo xusay horumarka Soomaaliya ee dhisidda mugga hay’adaha badda kuwaas oo la jaan qaadaya qorsha qaranka ee sagaalaad iyo gaariida ahdaafta Horumarka waara ee aduunka marka la gaaro 2030-ka
Iyadoo taageero ka heleysa QM iyo Saaxiibada caalamiga ah, Soomaaliya waxay samaysay Maamulka Badaha Soomaaliya, taas oo shaqo bilaabi doonta dhammaadka sanadkan. Dalku waxa uu sidoo kale oggolaaday Heshiiska Caalamiga ah ee Kahortagga Wasakhda ay daadiyaan Maraakiibta iyo Heshiiska Badqabka Nolosha Badda iyo Heshiiskii QM ee Sharciga Badaha, sidoo kale waxa ay sameeyeen sharciyo iyo siyaasado lagu maamulo waaxda Badaha.
“Shaqada la qabtay horraantii sanadkan ee qabyo-qoraalka Xeerka Maraakiibta kaas oo umarkii ugu dambeysay wax laga beddelay 1988, ayaa sidoo kale dhabbaha u xaartay sameynta qaab-dhismeed sharci-dejin ah, taas oo Soomaaliya ka dhigi karta xarun dakadeed oo loo xusho diiwaangelinta maraakiibta” ayuu yiri mudane Abdelmoula.
Nolol Maalmeed
Marka laga yimaado doodaha istiraatiijiyad siyaasadeed , waaxda badaha Soomaaliya waxa ay nolol maalmeedka bulshada muhiim ugu tahay sida qeybaha kale oo dhan, bulshadaas oo ku dadaalada sidii ay u ilaashan lahaayeen ugana faa’iideysan lahaayeen.
Abdihakim Ahmed Abdi oo xubin ka aha Mogadishu Beach Cleanup Youth Club ‘Ururu si Isxilqaan ah u abaabula muwaadiniinta si ay uga shaqeeyaan nadaafadda xeebaha Caasimadda, ugana diga bulshada khataraha Wasakhda lagu shubo Badda, ayaa ugu baaqay Soomaalida gaar ahaan dhallinyarada in ay ka faa’iideystaan kheyraadka ay leedahay Badda dheer, qaniga ah ee Soomaaliya.
“Maanta waa maalin muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada maxaa yeelay waxaan u dabaaldegeynaa Maalinta Badaha Adduunka. Waa fursad na xusuusineysa in aan leenahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika, baddeenuna ay leedahay kheyraad badan oo aan ka faa'iideysan karno, ”ayuu yiri Cabdi, kadib dood-wadaag diiradda lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha ka jira waaxda badaha.
Kulanka waxa uu si wadajir ah isugu keenay mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federaalka iyo sidoo kale Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub, Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), Ururka Cunnada iyo Beeraha (FAO), iyo Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO).
Maalinta Badaha Adduunka oo la xuso 24-ka Sebtember sanad walba, oo looga dan leeyahay in lagu muujiyo muhiimadda maraakiibta caalamiga ah, taasoo ku lug leh qaadista in ka badan 80 boqolkiiba ganacsiga caalamiga ah oo loo geeyo dadka iyo bulshooyinka adduunka oo dhan iyo inta adduunku ku tiirsan yahay badqab, ammaan iyo warshad maraakiib caalami ah oo hufan, taasoo qayb muhiim ah ka ah barnaamij kasta oo loogu talagalay mustaqbalka dabeecada koritaanka dhaqaale waara.
Iyada oo la xuso 24-ka Sebtembar sanad walba, Maalinta Badaha Aduunka waxa ay diiradda saartaa in ay banaanka keento ahmiyadda gadiidka Badda, taas oo ay qeyb ka tahay xamuulka in ka badan boqolkiiba 80 ganacsiga aduunka, dadka iyo bulshada aduunka oo dhan iyo sida aduunka ugu tiirsan yahay waaxda gadiidka badda oo nabad galyo haysta taas oo ahmiyad weyn u leh barnaamij kasta oo la xiriira koboca dhaqaalaha aduunka oo waara.