WAR-SAXAAFADEED: Iyadoo ka hadlaysa booqashada magaalada Muqdisho, masuulka sare ee Qaramada Midoobay ayaa dib u xaqiijisay taageerada ay QM u hayso Soomaaliya

19 Oct 2024

WAR-SAXAAFADEED: Iyadoo ka hadlaysa booqashada magaalada Muqdisho, masuulka sare ee Qaramada Midoobay ayaa dib u xaqiijisay taageerada ay QM u hayso Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo soo gabagabeyneysa booqasho labo maalmood ah oo ay ku tagtay Soomaaliya, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabad-dhisidda, Rosemary DiCarlo, ayaa maanta dib u xaqiijisay taageerada hay’adaha caalamiga ah ee ku aaddan nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.

"QM waxay Soomaaliya u ahayd saaxiib soo jireen ah, waxayna ku sii adkaysanaysaa inay ka go'an tahay taageeridda dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda," ayay tiri Mw. DiCarlo. 

"Annagoo wadajir ah, waxaan hiigsaneynaa inaan sii ambaqaadno guulaha ammaanta mudan iyo arrimaha hortabinta leh ee la isku afgartay si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee hortaagan horumarka dalka - waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si arrintan looga miradheliyo," ayay sii raacisay.

Intii ay joogtay caasimadda Soomaaliya, Marwo DiCarlo waxay la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha sarsare ee dowladdiisa oo ay la yeelatay wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, intaa ka sokow waxay la kulantay wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Kulanka ay la qaadatay Madaxweynaha, Marwo DiCarlo waxay garowsatay guulaha badan ee ay Soomaaliya gaartay sannadkii la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin tallaabada deyn cafiska, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, iyo qaadista cunaqabateynta hubka. 

Iyadoo horey u sii aambaqaadaysa, ayaa waxay Soomaaliya ugu hambalyaysay ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadka 2025-26. Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqday sida ay QM uga go’an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya muddada soo socota iyo in ay si dhow uga la shaqeyso qorshaha kalaguurka UNSOM.

Intii ay Muqdisho joogtay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa ay la kulantay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef. Waxay ka wadahadleen kalaguurka ATMIS ee soo socda ee loogu guurayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) 1da bisha Janaayo 2025. Waxay sidoo kale Muqdisho kula kulantay saaxiibada caalamka/bulshada diblomaasiyiinta ee Muqdisho joogta oo ay la yeelatay wada-hadallo ballaaran.