Howlaha waxqabad ee hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2020
Kalluumeysiga | FAO oo ku wareejisay doomo kalluumaysi iyo tababar Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Iyadoo taageero ka heleysa Midowga Yurub (EU), waxa ay hay'adda FAO gaarsiisay laba doon oo ah nuuca waaweyn ee kalluumeysiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dawladda Puntland, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo ballaarinta qaybaha kalluumeysiga iyo in la siiyo fursado shaqo oo hufan dhallinyarada ku nool xeebaha Soomaaliya. Dadaalkan ayaa qayb ka ahaa mashruuca ay maalgaliso Midowga Yurub, kaas oo bulshooyinka Xeebaha ku nool ay kula dagaalamayaan Burcad Badeedda, hay'addan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa mashruucan hirgelinaysay tan iyo 2016, iyada oo ay wehelinayaan wasaaradaha kala duwan ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee soomaaliya. Sanadkii la soo dhaafay, hay'adda FAO ayaa wareejisay 12 doon oo la siiyey iskaashatada kalluumeysiga ee ka howlgala Puntland. Laba doon oo ah nuuca waaweyn oo harsan ayaa dhowaan laguna wareejin doonaa maamulada Galmudug iyo Jubaland. Ujeedada ugu weyn ee mashruucu waa naqshadeynta iyo dhisidda goob lagu sameeyo doomo kalluumaysi oo leh farshaxan heer sare ah oo ay Soomaaliya leedahay. Doomahan ayaa ah kuwo leh qalab horumarsan oo dhanka badbaadada ah, oo ay ka mid yihiin shabaakadaha kalluumeysiga oo ah kuwo waari kara, warshado lagu keydsado kalluunka iyo matooro shidaal oo awood leh. Waxay sidoo kale helaan qalabka tababbarka kalluumeysiga, taas oo qayb ka ah dhisidda awoodda mudda-dheer si loo hagaajiyo xirfadaha kalluumeysiga, halbeegga maaraynta kalluumeysiga iyo badbaadada, iyo dhisidda awoodda doomaha iyo matoorka iyo dayactirka.. |
||
Maamulka dhulka | UN-Habitat oo taageereysa sharciga maareynta dhulka magaalooyinka Puntland si wax looga qabto khilaafaadka UN-Habitat waxay kala shaqeyneysay maamulka Puntland - gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka - sameynta Sharciga Maareynta Magaalooyinka, kaas oo ay ansixiyeen baarlamaanka Dowladda xubinta ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya bartamihii Luulyo. Sharciga ayaa rajo laga qabaa inuu gacan ka geysto yareynta murannada dhulka iyo isku dhaca – kuwaas oo ah caqabado waaweyn oo Soomaaliya ka jira, taas oo ay ku lug leeyihiin dadka gudaha ku barakacay, kuwa soo laabtay iyo bulshooyinka martigeliyey. Sharcigu waxa uu wax ka qabanayaa qaybaha muhiimka ah ee maareynta dhulka, sida xuquuqda dhulka, helitaanka goobaha dadweynaha, qoondaynta dhulka iyo qaababka qorshaynta isticmaalka dhulka, qiimaha dhulka, qaababka muranka dhulka iyo caddeynta mas'uuliyadaha heer degmo iyo tan heer gobol. Waxaa la rajeynayaa in hannaanka maamulka dhulka uu anfici doono Puntland maaddaama sharcigan uu bixin doono qaab hagitaan sharci oo aad loogu baahnaa. https://twitter.com/UNHabitat_Som/status/1285176507950862338 |
||
Bini’aadamnimada | OCHA oo isuduweysa qiimeyn ku saabsan saameynta fatahaadaha goboladda Shabeellooyinka Iyadoo la kaashaneysa maamulka maxalliga ah iyo bah-wadaagta, OCHA waxay sameysay qiimeyn degdeg ah oo dhinacyo badan leh oo ku aaddan saameynta fatahaada ay ku yeelatay gobollada Shabeellaha Hoose iyo kan shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Shabeellaha Hoose, qiimeynta ayaa lagu ogaadey in ilaa 71,000 oo qof ay waxyeelo soo gaartay ama ay halis ugu jiraan daadad ka dhasha degmooyinka Afgooye iyo Wanla-Weyne markii webiga fatahay bilowgii Luulyo. dadka ay saameeyeen waxaa ka mid ah 13,000 oo qof oo ku barakacay degmada Afgooye halka 29,000 ay ku barakaceen Wanla-Weyn. Gobolka Shabellaha Dhexe, qiimeyn lagu sameeyay ayaa muujisay in daadadka webigu ay barakiciyeen ugu yaraan 66,000 oo qof isla markaana ay waxyeelleeyeen 33,000 hektar oo dhul beereed ah oo ku yaalla degmada Balcad. Ilaa hadda, ugu yaraan 191,800 oo qof ayaa daadadku saameeyeen, halka 124,000 oo kalena way ku barakaceen guud ahaan Soomaaliya ilaa dabayaaqadii Juun. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | IOM oo taageertay awood-siinta haweenka ku nool goobaha dadka barakacay Iyadoo loo sii marayo Mashruuca Ka Qeybgalka Haweenka (WPP), IOM waxay awood u siineysaa kooxo haween ah oo ku nool goobaha barakacayaasha ee ku yaal Doolow, ee koonfurta Soomaaliya, inay hoggaamiyaan oo ka caawiyaan bulshadooda inay ka nabad galaan COVID-19. Bishii Luulyo, IOM waxay tababartay oo ay siisay agabka harqaanka guddiyada haweenka iyo kooxo si ay naqshadeeyaan marada wejiga iyo sanka lagu xirto. kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 ayaa laga helay Soomaaliya bishii Maarso ee la soo dhaafay, IOM waxay maamushay howlo kaqeybgal bulsho si looga xakameeyo Feysaska Karoona-ka goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha ee dalka. Dadka gudaha ku barakacay waxay halis sare ugu jira cudurka sababa la xiriira xaaladaha ay ku noolyihiin, sida ciriiriga iyo nadaafadda goobaha ay ku nool yihiin oo liidata, halka helitaanka biyo nadiif ah ay weli dhibaato ku tahay. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | UNDP oo taageertay shaqaalaha khadka caawinta degdegga ah UNDP ayaa sii wadday taageeridda shaqaalaha, agabka iyo barnaamijyada raadraaca xogta software ee 449 oo ah xarunta wicitaanka degdegga ah. Xaruntu waxaa soo gaara kumannaan wicitaan ah maalin kasta; Waxa ay bixisaa xog ku saabsan astaamaha COVID-19, daaweynta iyo hababka la isaga ilaaliyo; waxa ayna qaabeysaa gargaarka degdegga ah. |
||
Dhaqanka | UNESCO oo soo dhoweysay saxiixa Soomaaliya ee laba heshiis oo waaweyn oo dhanka dhaqanka ah UNESCO waxa ay soo dhoweysay aqoonsiga Soomaaliya ee doorka hoggaamineed ee dhaqanku ku leeyahay dadaallada dalka ee ku aaddan nabad dhisidda iyo horumarka waara. Soo dhoweyntan ayaa timi kaddib bandhigista heshiiskii Paris ee UNESCO ee ku saabsanaa dhowrista Dhaqanka Adduunka iyo Dhaxalka Dabiiciga ah iyo Heshiiska Badbaadinta Dhaxalka, Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Afrika ah ee saxiixa Heshiiska Dhaqanka Adduunka. UNESCO waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay leedahay hanti badan iyo dhaxal dabiici ah, iyo sidoo kale hiddo nololeed, hirgalinta halbeegaan asaagiga ah, oo ay weheliso taageerada caalamiga ahi waxa ay gacan ka geysan kartaa dowrista iyo ilaalinta dhaxalkan. https://en.unesco.org/news/somalia-ratifies-two-major-unesco-cultural-conventions |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | Warbixinta UNFPA: baahida degdegga ah ee loo qabo in mudnaanta la siinayo dagaalka lagula jiro Rabshadda Ku Salaysan Jinsiga iyo Gudniinka Gabdhaha Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga (GBV) iyo Gudniinka Gabdhaha (FGM) ayaa weli ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haweenka Soomaaliyeed. Sida ku cad cilmi-baarista UNFPA ay sameysay - 'Warbixinta Qiimaynta Degdegga ah ayaa la sameeyey iyadoo loo eegayo xaaladda COVID-19 ee Soomaaliya' - taasoo tilmaamaysa in COVID-19 uu horseed u noqday waxyaabaha kordhinaya halista u nuglaanshaha haweenka iyo gabdhaha ee Rabshadda Ku Salaysan Jinsiga iyo Gudniinka Gabdhaha. Qiimeyn degdeg ah ayaa loo sameeyay si loo helo xog iyo macluumaad ku saabsan saameynta cudurkani uu ku yeeshay Rabshadda Ku Salaysan Jinsiga iyo Gudniinka Gabdhaha iyo sida ugu wanaagsan ee looga fal-celin karo. |
||
Dadka barakacay | UNHCR oo ka taageertay dowladda in "Axdigii Kampala" ay u rogto sharci qaran UNHCR waxay keentay khabiir caan ku ah xuquuqda dadka gudaha ku barakacay (IDPs), Dr. Chaloka Beyani, si ay taageero ugu fidiso dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan ka mid noqoshaha Heshiiska Midowga Afrika ee Ilaalinta iyo Kaalmada Dadka Gudaha Ku Barakacay ee Afrika. – oo sidoo kale loo yaqaan 'Heshiiska Kampala' - oo loo maro sharciga qaran. Magacaabista khabiirka ayaa daba socota codsi ay mas'uuliyiintu u gudbiyeen UNHCR bishii Maarso ee sanadkan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay heshiiskii Kampala ka dib cod aqlabiyad ah oo baarlamaanku u codeeyay Bishii Nofeembar 2019. Heshiiska ayaa wax ka qabanaya xaaladaha dadka gudaha ku barakacay oo mararka qaar la kulma iskahorimaad hubeysan, masiibooyinka dabiiciga ah iyo helista mashaariic horumarineed oo ballaaran oo Afrika ah.. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | UNICEF oo Puntland ka daah-furtay hannaan waxbarasho oo internet-ka ah UNICEF iyo Dowladda Puntland waxay bilaabeen hanaan waxbarasho, oo ah qaab waxbarsho oo dhanka internet-ka ah, kaas oo carruurtu ku heli karaan waxbarashada ay u baahanyihiin marka ay ku jiraan khadka tooska ah (Online) iyo marka uu qadku ka maqanyahay (Offline) iyagoo jooga guryahooda. Qaabkan ayaa u oggolaanaya carruurta inay helaan casharo tayo sare leh oo waafaqsan manhajka rasmiga ah, si aysan carruurtu u noqon dhibbaneyaasha qarsoon ee musiibada COVID-19 oo aysan waxbarashda u seegin. Marxaladda koowaad ayaa ah mid u oggolaaneysa in kabadan 11,000 oo caruur ah in ay waxbarasho helaan, oo ku dhowaad kalabar ay yihiin gabdho, iyagoo galangal u yeelan doona in kabadan 600 oo casharro ah la duubay iyo muuqaallo.. |
||
Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo taageertay seminar kor loogu qaadayo fursadaha maalgashiga ee waaxda kalluumeysiga Iyadoo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha, UNIDO waxay qabatey 'Siminaar Farsamo oo ku saabsan Qalabka Kalluumeysiga iyo nidaamka Qaboojinta ee Soomaaliya', si gacan looga geysto horumarinta iskaashiga ka dhexeeya shirkaddaha yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee loo yaqaan 'SMEs', ayuu ujeedka qorshahani yahay dardar-gelinta horumar warshadeed oo waara oo loo helo Nidaamka qaboojinta ee dalka iyo agabka waaxda kalluumeysiga. Kulan dhanka dijitaalka ah, ayaa in ka badan 20 shirkaddaha Soomaliya ah ay ku soo bandhigeen howlahooda ganacsi dhinacyada wax soo saarka, adeegga iyo ganacsiga beeraha-kalluumeysiga iyo badda, si loo xoojiyo iskaashi cusub. Sidoo kale, shirkadaha iyo ururrada Talyaaniga ayaa u soo bandhigay hab wax lagu xaliyo dhiggooda Soomaaliya, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin casriyeyn tiknolojiyadeed oo lagu sameeyay waaxda kalluumeysiga ee Soomaaliya iyo wadada saadka, noocyo kalluumeysi oo kale oo badal noqon kara, matoorrada doomaha oo heer sare ah, nidaamyo wax ku ool ah oo loogu talagalay soosaarka iyo baakadeynta kalluumaysiga iyo qaboojiyayaal tayada leh ee warshadaha wax qaboojiya. Kaqeybgalayaasha heer caalamiga ah waxaa ka mid ahaa Federpesca, Consorzio Pescato Procidano, Consorzio Sviluppo ittico toscano, Mediterranea Reti, AS Labruna, Assoittica Italia, Movinox, New Cold System, and Self Globe. UNIDO waxa ay la shaqeysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Qeybaha Horumarineed ee Shabakadaha Soomaaliya (EDUs) ee Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo, si ay u qabtaan munaasabaddan, oo ay maal-galisay Hay'adda Iskaashiga Horumarinta Talyaaniga. (AICS). |
||
Doorashooyinka | QM iyo bah-wadaagteeda oo soo dhoweeyey go'aannada laga gaarayo nooca doorashooyinka Soomaaliya Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay kujirto Qaramada Midoobay, waxay soo dhoweeyeen go'aannadii ka soo baxay shirkii ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhacay Dhuusamareb dhammaadkii bishii Luulyo, taasoo aheyd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in lagu gaaro heshiis ballaaran oo sal-dhig looga dhigayo qaab dhismeedka doorashooyinka dalka. Saaxiibbadu sidoo kale waxay muujiyeen walaacaado iyo rajadooda adag ee ku saabsan isbadallada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay tii baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqin dadaallada lagu gaarayo isfahan siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashooyinka, oo aysan carqaladeyn ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, ama aysan abuurin xasillooni darro dib u celin karta guulihii la gaaray ee arrimaha mudnaanta qaran leh. |
||
Sugnaanta cunnada | WFP oo taageertay dadaallada siyaasad lagu doonayo in lagu qaaro nidaam cuno waarta iyo sugnaanta nafaqada Marka laga soo tago bixinta taageerada nolol-badbaadinta iyo kaalmada nolol beddelka ah ee loogu talagalay Soomaalida nugul, WFP waxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shaqeyneysa siyaasadaha, nidaam-dhisidda iyo awoodaha hawlgalka si kor loogu qaado dadaallada dhinacyada sugnaanta cunnada, nafaqada, ilaalinta bulshada, adkeysiga, maaraynta masiibada iyo nidaamyada digniinta ugu horaysa bixiya. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa fulinaysa qaabkan mataanaha ah iyadoo hadafkeedu yahay xoojinta hay'adaha qaranka iyo in ay adeeg u fidiso dadka nugul ee cunna la’aanta iyo nafaqo darridu heyso wakhti ku habboon. |
||