Fariinta Ergayga Gaarka ah ee QM Michael Keating ee munaasabadda Ciidul-Adxada
Muqdisho – “Munaasabadda Ciidu-adxada awgeed, waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan Soomaalida iyo qoysaskooda farxadda ciidda. Maanta waa xilliga fikirka wanaagsan iyo isku naxariisashada, oo aan xasuusan lahayn kuwa caawimaadda nooga baahan. Waxaan rajeynayaa in firfircoonidaas aan uga faaiideysanno dhisidda nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Ciida wanaagsan!” Ayuu yiri Mudane Keating.