Howlaha wax-qabad ee hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Maayo 2020
Gacan-siinta reer miyiga | Fao waxa ay lacag malaayin ah u diraty dad badan iyada oo umarisay mobeeladooda, si looga caawiyo inay helaan cunno FAO waxay si buuxda ugu gudbisay kaalmadeeda lacageed ee Soomaaliya ee lagu bixiyo nidaamka Lacagta ee Moobeelad, taas oo ay ugu wacantahay xaaladaha degdega ah ee laxiriira caabuqa COVID-19. Labadii bilood ee la soo dhaafay, haya'da Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxa ay dad gaaraya 200,000 oo Soomaali ah ugu dirtay mobeeladooda lacag ka badan $ 4 milyan oo doolar si looga caawiyo in ay helaan cunno iyo baahiyo kale oo aasaasi ah. FAO waxa ay horay u diiwaangelisay in kabadan 350,000 oo qoysas Soomaali ah - oo ka kooban in ka badan 2.1 milyan oo qof – taa oo sii kordhineysa adeegsiga dirista Lacagta Mobeelada. Iyada oo ay maalgelisay USAID, Nidaamka Lacagta Mobilada ayaa ah mid dhakhso ah, aamin ah, isla markaana qiimo jaban, si loogu xawilo lacagaha dadka aadka u nugul ee Joga meelaha baadiyaha ah, iyada oo la hubinayo in lacagta kaalmada ahi ay ku gaarto dadka saxda ah qaab ku habboon. Lacagta lagu diro mobeelada waxa ay kaloo muujisay in ay tahay qabka ugu habboon xitaa marka ay yimaadan xaaladaha kale ee degdega ah, sidii Ka jawaab-celinti fatahaada Beledweyne ee bishii Nofeembar 2019, xilligaa oo nidaamku suuragaliyay inuu si toos ah lacaga ugu diro taleefonnada gacanta dadkii ku barakacay fatahaada. |
||
Biyaha | UN-Habitat oo dhammaystirtay howshii ay ka wadday dhuunta muhiimka ahee biyaha Hargeysa UN-Habitat iyo la-hawlgalayaasheeda waxa ay dhammeystireen shaqadii mashruuca weyn ee ballaarinta biyo-gelinta magaalada Hargeysa oo qeyb ka ah Mashruuca Kor u qaadista Biya-galinta magaalada Hargeysa ee (HWSUP). Tani waxay ku lug lahayd dhammaystirka tijaabinta khadka ugu weyn ee gudbinta, kaas oo dherarkiisu yahay 23 kiiloomitir una dhexeeya ceelka Ged-Deeble iyo kaydka biyaha Hargeysa. Sidoo kale waxaa la dhammeystirey tallaabooyinka ilaalinta daadadka iyo nabaad-guurka ee qaybaha nugul ee hareeraha dhuumaha biyaha cusub iyo kuwii horeba - shaqada waxaa lagu fuliyay xaalado adag sida roobab waaweyn oo da’ ayay, daadad, iyo waliba caabuqa COVID-19. Wejiga xiga oo ah kan u dambeeya ee mashruucan waxa u ka koobnaan doonaa keenista iyo ku rakibidda qalab elektaroonik ah ee xarunta cusub ee Ged-Deeble, taas oo la sii dhisay, qaybna ka ah Mashruuca sanadka 2019. Marka la dhammaystiro, mashruuca dib-u-habeynta kaabayaasha biyaha waxaa kordhi doona xaddiga biyaha magaalada Hargeysa oo noqon doona 14.5 milyan oo litir, halka marki hore uu ahaa sagaal milyan oo litir, iyadoo awood u yeeleysa in la sii kordhiyo wax soo saarka illaa 24 milyan oo litir maalin kasta. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | IOM oo billowday ololaha #SomaliaResponds Tobaneeyo sano oo dagaal sokeeye ah ayaa burburisay nidaamka caafimaadka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho, Isbitaalka De Martino, oo ah isbitaalka ugu weyn ee guud ee dalka oo loogu talagalay daaweynta bukaannada COVID-19, ma laha qalabkii loo baahnaa ee lagu daaweyn lahaa bukaannada, isla markaana lagu badbaadin lahaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka. IOM oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa daahfurtay #SomaliaResponds, oo ah olole shaqsiyadeed oo lacag aruurin ah, looguna talagalay in lagu helo sahayda loo baahan yahay, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loona xakameeyo faafitaanka caabuqa COVID-19 ee Soomaaliya. |
||
Bini'aadanimada | OCHA oo taageertay ka fal-celinta COVID-19 iyo dadaallada wax ka qabashada daadadka OCHA dadaalladeeda waxa ay salka ku hayan ka fal-celinta caabuqa COVID-19 iyo latacaalidda daadadka ku dhuftay maamul goboleedka Hirshabelle. Hay'adda gargaarka bini'aadminnimada ee Qaramada Midoobay waxay sii waday inay isku dubbariddo halista isgaarsiinta iyo dadaallada lashaqeynta bulshada – waxaana ka mid ahaa ogeysiisyo kabaxay xarumo raadiyeyaal oo tilmaamayay tallaabooyinka ka hortagga COVID-19, oo ay saaxibada kasii dayeen 21 idaacadood, isla markaana gaaray malaayiin qof oo kunool dalka oo dhan ah; ilaa 25,000 oo boorar ah, kuwaas oo ku saabsan tallaabooyinka ka-hortagga ayaa lagu faafiyay Muqdisho, iyo inka badan 30 boor oo lagu dhejiyay meela kaladuwan wadanka ah. Dhanka kale, OCHA waxay isku dubbaridday samata-bixinta 200 qoys oo ay daadadku ku dhufteen buuraleyda Boore, oo qiyaastii 30 kiilomitir u jirta magaalada Beletweyne ee Hirshabelle. Qoysasku waxa ay ka baxsadeen tuulooyinka Luqdheere iyo Buulo-Raxo oo ah tuulooyin kuyaalla dhulhoose waxa ayna tageen Boore, oo kutaala dhul yara sarreeya, iyaga oo isleh ku badbaada halkaa. Taabadalkeed, biyuhu way kaceen, iyaga oo go’doomiyay ku dhawaad laba toddobaad. |
||
Ka falcelinta COVID-19 | SNA iyo UNDP waxa ay macluumaad kusabsan COVID-19 iyo maaska (mask) siiyeen dadka ku nool Muqdisho Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa u soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho iyaga oo ay la socdan dhaqaatir ciidan oo tababarro caafimaad leh, waxa ay wateen baabur ay ku xirnaayeen sameecado waaweyn, loogana wacyigelinayay bulshada halista caabuqa COVID-19, iyo garsiinta macluumaadka saxda ah dadka kunool xeryaha barakacayaasha (IDPs), suuqyada iyo aagagga kale ee dadku ku badan yihiin si loo badbaadiya naftooda, waxa ayna taageero ka helayeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo UNDP.Dhaqatiirta caafimaadku waxa ay kaloo bixiyeen Maaska iyagoo sameeyey baaritaanno COVID-19 ah. |
||
Umulisooyinka | UNFPA oo bixisay tababbar umulisonimo oo khadka Internetka ah iyadoo lagu gudajiro ka fal-celinta COVID-19 UNFPA waxay siisay tababbar ku saabsan qorshaynta qoyska macalimiinta wax ka barata 15 iskuul oo dhanka umulisooyin ah, oo ku baahsan Soomaaliya. Tababarku wuxuu qayb ka ahaa taageerada joogtada ah ee ay hay'adda Qaramada Midoobay siiso Dowladda Federaalka ah, iyada oo loo sii marinayo Wasaaradda Caafimaadka, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada lagu yareynayo baahiyaha aan caadiga ahayn ee dhalmada, taasna waxay keentay inay gacan ka geysato yareynta cudurada iyo dhimashada hooyada iyo dhalaanka cusub,iyadoo COVID-19 Ka fal-celintiisu ay socoto. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 iyo daadadka | UNHCR oo diiradda saareysa daadadka iyo ka fal-celinta COVID-19 Howlaha UNHCR waxay udub dhexaad u ahaayeen waxqabadka daadadka iyo xanuunka COVID-19. Si loo caawiyo qoysaska ay saameeyeen daadadku, UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda ayey ujeedkoodu yahay caawinta ku dhowaad 100,000 oo qof oo la siinayo agabka degdegga ah ee muhiimka u ah. Alaabooyinka degdegga ah sida jirgaanada, saabuun, bustayaal, qalabka jikada iyo baco ayaa laga soo daabulaay bakhaarada UNHCR ee ku yaal Dubai iyo Muqdisho, waxaana loo qaybiyey qoysaska dhibaataysan ee ku sugan Baydhabo, Luuq, Qardo iyo Beletweyne. Iyadoo sidoo kale waxqabadka UNHCR ee laxiriira ka fal-celinta COVID-19 waxaa kamid ahaa taageerada isbitaallada iyadoo loo sii marinayo qaybinta sariiraha caafimaadka, qalabka oksijiinka, galoofiska caafimaadka iyo weji-xirka, ololeyaal wacyi gelin ah oo ilaa hadda gaaray in ka badan 242,000 oo qof; taakuleynta dadka soo laabanaya, gudaha ku barakacay; iyo, ka taageeridda guryo. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 iyo daadadka | UNICEF oo carruur iyo qoysaska gaarsiisay agabka nadaafadeed oo naf-badbaadin ah Faafidda COVID-19 waxay saameysay nolosha kumannaan carruur iyo qoysas ah oo ku nool Soomaaliya. Si loo yareeyo faafitaanka faafitaanka fayraska iyo in laga fal-celiyo fatahaadda ka jirta Soomaaliya, UNICEF waxa ay in ka badan 870,000 qof gaarsiisay sahay nadaafadeed oo aad u muhiim ah (oo ay ka mid yihiin baaldiyo, saabuun, kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo iyo jeermis-dileyaasha) si loo xoojiyo loona suurtageliyo qoysaska Soomaaliyeed ee nugul inay ay naftooda difaacaan. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | UNIDO iyo bah-wadaagteeda oo u kuurgalay fursadaha ganacsi ee carqaladda COVID-19 Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha (MoCI), Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya (SCCI) iyo UNIDO ayaa si wada jir ah uga wada shaqeynaya sidii ay u fahmi lahaayeen saameynta suurta galka ah ee carqaladeynta sahayda caalamiga ahi ay ku yeelan karto Soomaaliya, oo ayna aqoonsadaan fursadaha ganacsi ee soosaarka aasaasiga ah, sida cuntada iyo waxyaabaha aan cuntada ahayn, ee hadda la soo dhoofiyo, laakiin taa beddelkeeda waxaa lagu beddeli karaa teknoolojiyad maxalli ah, lacag bilow ah, si hab sahlan loogu billaabo wax-soosaar. In kasta oo MoCI iyo UNIDO ay falanqayn ka bilaabeen aaggan ka hor dhibaatada caafimaad, falanqayntu waxaa hadda diiradda lagu saarayaa ahmiyada la siinayo in la garto fursadaha bilowga wax-soosaarka maxaliga ah ee cuntada asaasiga ah iyo waxyaabaha aan cuntada ahayn. Iyada oo loo marayo shabakadaha UNIDO ay taageerto qeybaha Horumarinta Ganacsiga (EDUs), oo ku yaal Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho, hay'adda QM ayaa daneynaysay inay sare u qaaddo fursadaha ganacsi ee noocaas ah. |
||
Khataraha Qaraxyada | UNMAS oo 2,379 ka-faa'iideystayaal ah siisay tababar wacyigelin ah oo ku saabsan waxyaabaha qarxa Barista halista waxyaabaha qarxa ee bulshada waxay door muhiim ah ka qaadataa in bulshada laga wacyigeliyo khataraha qaraxyada iyo sida looga fogaado goobaha khatarta ah. Saraakiisha xiriirka bulshada ee UNMAS ayaa gaaray 2,379 ka-faa'iideystayaal ah bishii May. Hadafka EORE waa in laga wacyi geliyo dadweynaha halista waxyaabaha qarxa iyo in la yareeyo tirada shilalka walxaha aan weli qarxin (UXO) ee ka dhaca Soomaaliya. |
||
Shirarka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda | UNSOM oo fududeysay shirarka madaxda Soomaalida iyo saaxiibadooda caalamiga ah Iyadoo lagu jiro taageerada ka fal-celinta COVID-19 ee Soomaaliya, UNSOM waxay sidoo kale sii wadday howlaheedii kale ee dhinacyada siyaasada, doorashooyinka iyo gargaarka, iyo kuwo kale. Howlgalka QM ayaa fududeeyey kulan khadka internetka ah oo saaxiibada caalamiga ah iyo jilayaasha siyaasadda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ay yeesheen si ay iskugu dubbaridaan una abaabulaan gargaarka bani'aadamnimo intii lagu jiray daadadkii dhowaan ka dhacay magaalada Qardho Puntland. Waxay sidoo kale fududaysay QM kulamo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo bah-wadaagta caalamiga ah si la isku dhaafsado aragtiyo kala duwan oo ku saabsan Soomaaliya. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | UNSOS waxay bixisay taageero duullimaadyo deg deg ah Duulimaad qaas ah oo ay iska kaashanayeen UNDP iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, waxaa lagu soo qaaday laba matoor oo 350 KVA-ga ah oo laga keenay magaalada Nairobi oo ay isticmaalayaan isbitaalada Muqdisho. Iyadoo lala kaaashanayo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, duullimaadyada UNSOS ilaa iyo hadda waxay daabuleen ilaa 22 tan oo qalab caafimaad oo lagu taageeray Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ka mid yihiin Jubaland, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | WFP oo taageertay kor u qaadidda adkeysiga qoysaska nugul Xoojinta adkeysiga qoysaska Soomaaliyeed ee nugul waqtigan lagu jiro xaaladda COVID-19 waxa ay muhiim u tahay in ay cunno helaan. WFP wax ay siisay kaalmo lacageed iyo caawin cunno oo loogu tala galay in ka badan 200,000 oo ah dad nugul, taas oo ka caawisay inay daboolaan baahidooda cunno, isla mar ahaantaana, dhowrtaan hantidooda iyo ilaha noloshooda. |
||
Ka fal-celinta COVID-19 | WHO ayaa daaha ka rogtay talo-bixin caafimaad oo af-Soomaali ah oo loo adeegsanayo WhatsApp-ka iyo Messenger-ka WHO ayaa soo saartay barnaamijkeeda Feejignaanta Caafimaadka ee WhatsApp-ka lambarkiisu yahay (+41 7983 1892) iyo Facebook Messenger - oo lagu qoray luuqadda Soomaaliga - si ay u caawiyaan macluumaad wadaagga ku saabsan ka-hortagga COVID-19 ee bulshada dhexdeeda. Arrintan ayaa gacan ka geysaneysa taageeridda mas'uuliyiinta caafimaadka ee dalka, si kor loogu qaado awoodda baaritaanka ee fayraska. |