Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo ahdaaftiisu tahay ka-qaybgelinta Dadka Soomaaliyeed ee Aragga Naafada ka ah dhammaan dhinacyada nolosha

26 Oct 2024

Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo ahdaaftiisu tahay ka-qaybgelinta Dadka Soomaaliyeed ee Aragga Naafada ka ah dhammaan dhinacyada nolosha

Muqadisho – Dad badan oo Soomaali ah, ayaa xiiseeya ciyaaraha ciyaarta kubadda cagta, haddii ay tahay la socoshada tartamada kooxaha ee dalka gudahiisa ka dhacaya ama mid ka mid ah horyaallada ugu waaweyn ee caalamka.

Laakiin waxaa jirta koox Soomaaliyeed oo xiiseysa ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka loo yaqaan taas oo ay hamuun u qabaan in ay guul ka gaaraan.

Ciyaartan oo la mid ah ciyaarta kubadda cagta ee caadiga ah ayaa gaar ahaan loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah, ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka waa ciyaar kooxeed ay ka-qaybgalayaashu ku tartamaan kubad loo tuurayo dhanka kooxda ka soo horjeeda oo shabaqa goolkooda la taabsiinayo si dhibco ay ugu helaan. Kubadda waxaa ku jira dawan bixinaya dhawaaq shanqar leh oo hagaya ciyaartoyda.

Ciyaarta, oo la sameeyay1940-meeyadii oo hadda ka mid ah ciyaaraha Olombikada, ayaa dhowaan lagu soo bandhigay ciyaar bandhig ahayd oo lagu qabtey Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu xusayo Maalinta Aragga Adduunka. Maalintan oo caalamka laga xuso bisha Oktoobar gudaheeda, ayay ujeeddadeedu tahay dhiirrigelinta daryeelka aragga iyo indhaha.

Laba kooxood oo middiiba ay ka kooban tahay saddex ciyaartoy oo aragga naafo ka ah oo ka tirsan bulshada aragga naafada ka ah ee Muqdisho ayaa garoonka ku qaatay ciyaar laba gelin ahayd oo middiiba soconeysay muddo 15-daqiiqo iyada oo ay daawanayeen mas'uuliyiin heer sare ah oo ka socday Dowladda Soomaaliya, bulshada rayidka ah iyo hawlwadeennada safaaradda Turkiga – iyo sidoo kale garsoorihii ciyaarta.

“Waxa sharaf ii ah in aan ahay garsooraha rasmiga ah ee ciyaartan cajiibka ah ee u dhaxeysa ciyaartoyda labada kooxood ee hibada leh ee aragga naafada ka ah,” ayuu yiri Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanta, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo sidoo kale ah garsoore kubadda cagta oo aqoonsi ka haysta Ururka Fédération Internationale de Football Association (FIFA).

“Wasaaradda waxay si xooggan u taageeraysaa in dadka naafada ah ay qayb ka ahaadaan dhammaan dhinacyada nolosha, oo ay waxqabadyada isboortigu ka mid yihiin,’ ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waxaan rajeynaynaa marka ugu horreysa ee hindise-sharciyeedka xuquuqda naafada uu Aqalka Sare meelmariyo ka-dibna uu saxiixo Madaxweynaha, in aan arki doono waxqabadyo intan dheeraad ka ah oo loo dhan yahay oo ka dhaca Soomaaliya iyadoo aan cidna laga tegin.”

Ka qaybgelinta dadka naafada ah

Ciyaarta goalball waxaa soo qabanqaabiyay oo martigeliyay Safaaradda Turkiga, Ururka Dhallinyarada Aragga Naafada ka ah ee Soomaaliyeed, ama loo yaqaanno UDHAN oo magaciisa loo soo gaabiyey; iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Ka qaybgelinta dadka naafada ah waa yool muhiim u ah Qaramada Midoobay. Waxaa jira siyaabo badan oo aan ku xaqiijin karno in qof walba uu fursad u helo ka-qaybgalka dhammaan dhinacyada nolosha iyo xaaladda aadanaha, waxaanna nalooga baahan yahay in aan hadafkaasi ka shaqeyno,” ayuu yiri Sii-hayaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa UNSOM. 

“Waxaa laga yaabaa in dadka kale ay dayacaan walaalaheenna aragga naafada ka ah laakiin annaga, had iyo jeer intii tabarteenna ah ayaan xasuusanaynaa waxaanna halkan maanta u joognaa in aan taageerno,” ayuu yiri Safiirka Dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş.

Marti-sharafta waxaa ka mid ahaa mas'uuliyiin sare oo ka socda Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalladii uu ka jeediyay munaasabadda, Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Sarreeye Guud Bashiir ayaa wuxuu ku qaadey hannaanada sharci-dejinta hadda socda ee ku jira xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliya – gaar ahaan wuxuu carrabka ku dhuftay Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Naafada, kaas oo uu dhowaan meel-mariyay aqalka hoose ee baarlamaanka dalka, ee loo yaqaanno Golaha Shacabka.  

“[Marka la saxiixo]… wuxuu noqon doonnaa waajib qaran kaas oo dadka naafada ah siin doona xuquuq la siman tan dadka kale, waxaanna ballanqaadayaa in aan idin kala shaqeeyo hirgelintiisa,” ayuu yiri wasiirka. 

Bishii Disembar ee sanadkii la soo dhaafey, Qaramada Midoobay waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartey kor-u-qaadista xuquuqda iyo ka qaybgelinta dadka naafada ah. Horumarkan waxaa ka mid ahaa gaarista guullo mug weyn leh sida saxiixidda Heshiiska Xuquuqaha Dadka Naafada ah, dhisidda Hay'adda Naafada Qaranka (NDA). 

Guddoomiyaha Hay'adda Naafada Qaranka (NDA) ayaa ciyaarta goobjoog ka ahaa.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadnaqo abaabulayaasha iyo kooxda UDHAN—run ahaantii waa wax dhiirrigelin leh in la arko ciyaartoy aragga naafo ka ah oo ku tartamaya ciyaartan si loo xuso Maalinta Aragga Adduunka. Kuwani waa mabaadii'da aasaasiga ah ee ay hay'adda NDA u dhisan tahay: ka-qaybgelinta, awoodsiinta, iyo sinnaanta buuxda ee dadka naafada ah,” ayuu yiri Maxamed Jaamac. 

“Waxaan rajeynaynaa in aan ku aragno ciyaaro badan oo kuwan oo kale ah heerarka qaranka iyo bulshada, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaataan wax-ka-beddelka aragtida dadweynaha iyo dabeecadaha ku aaddan dadka naafada ah,” ayuu hadalkiisa ku darey madaxa NDA.

Isaga oo munaasabadda ka hadlaya, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go'an tahay awoodsiinta dadka naafada ah wuxuunna ugu baaqey daneeyayaasha in ay taageeraan ciyaaraha ay dadka naafada ah ciyaaraan. 

“Waa muhiim in dadka aragga naafada ka ah ay ciyaaraha ka-qaybgalaan. Wasaarad ahaan, waxaan ku faraxsanahay in aan munaasabaddan qayb ka nahay. Dadka aragga naafada ka ah waxay ogyihiin in aan ahay saaxiibkooda dhow,” ayuu yiri Wasiir Maxamed, wuxuunna hadalkiisa ku darey, “Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in aan tartan [ciyaar] u qabaney dadka maqalka naafada ka ah, oo ah tartan lixdii biloodba mar la qabto oo aan mar kale sanadkan qaban doonno.” 

Maalinta Aragga Adduunka

Maalinta Aragga Adduunka oo la xuso 10 Oktoobar, waxaa isku soo dubarida Hay'adda Caalamiga ah ee Ka Hortagga Indho La'aanta ee loo yaqaanno International Agency for the Prevention of Blindness (IAPB). Sida ay dhigeyso mareegtooda internet-ka, maalinta waa fursad diiradda caalamka lagu jihaynayo muhiimadda uu daryeelka indhaha u leeyahay dadka dhallinyarada ah iyo in carruurta meel kasta joogta lagu dhiirrigeliyo in ay indhahooda jeclaadaan.  

Soomaaliya waxaa ku nool dad naafo ah oo tiradooda lagu qiyaasayo ilaa 2.5 milyan oo qof, oo ay ka mid yihiin ku dhowaad 360,000 qof oo aragga naafo ka ah. 

Dhammaadkii ciyaarta oo ahayd mid soo bandhigid, ayaa kabtankii kooxdii laga guuleystay ahna mid ka mid ah aasaasayaasha ururka UDHAN, Cabdiraxman Maxamuud Kulane, uu ka xumaadey in laga guuleysto laakiinse wuxuu carrabka ku adkeeyay in tartanka laga lahaa yoolal kale oo waaweyn.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta dabbaaldegayno annaga oo ciyaartan ciyaarayna,” ayuu yiri Mudane Kulane. “Madadaallo oo kaliya nooma ahan – ee sidoo kale waa fursad aan kor ugu qaadeyno wacyigelinta dadweynaha ee ku saabsan xuquuqaha iyo ka-qaybgelinta dadka naafada ah dhammaan dhinacyada nolosha, oo aan diiradda ku saareyno xuquuqda aan u leenahay ku raaxeysiga waqtiga firaaqada ah iyo ka-qaybgalka ciyaaraha, waxaanna rajeynaynaa in munaasabadahaasi gacan ka geysanayaan wax ka beddelka aragtiyada Soomaaliya ka jira.