Saaxiibada caalamka oo soo dhaweeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
Muqdisho – Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada.
Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyey.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada, inay u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn horena ugu sii socdaan. Waxaan ku dhiirigalineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada.
Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.
* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.