Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay u rajaynaysaa umadda Soomaaliyeed Ramadaan nabad ah
Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u diraysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed bilowga curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
‘’ Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu u rajeeynyan dhammaan dadka Soomaaliyeed Ramadaan nabad ah, oo ay wada qataan qoysaka iyo asxaabta , waxayna xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay inay taageeraan dadaalkooda ku aaddan dhisidda mustaqbalka midnimada iyo wadajirka ee la xiriira waqtigan gaarka ah” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan’’.
Ramadan Mubarak, Ramadan Wanaagsan!