Samiira Xuseen Ducaale oo u ololeyneysa xuquuqda haweenka Soomaaliyeed
Samira Xuseen Ducaale ayaa aaminsan in dagaalka xuquuqda haweenka uusan xudduud lahayn. In kastoo ay ku dhalatay, kuna barbaartay Kenya Samira Waxay u soo wareegtay Soomaaliya oo ah halka ay asal ahaan ka soo jeedo. Bishii Maaj 2014-ka, si ay u fuliso riyadeedii dhalanyaranimo oo aan aheyn oo keli ah in ay noqoto horyaalka xuquuqda haweenka, balse sidoo kale in ay noqoto Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya oo haween ah.
Bishii Abriil ee isla sanadkaas 2014kii, waxay billowdaay sidii ay ku noqon laheyd u a dhaq-dhaqaaqe xuquuqda aadanaha, markii ay ka qeyb gashay kulan hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed oo looga hadlaayay federaalka oo ay soo qaban qaabisay Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Wadahadalka kulankaas ayaa maskaxdeeda u furay dhibaatooyinka haysata haweenka Soomaaliyeed, waxayna taa ku abuurtay in ay si firfircoon ugu lug yeelato halganka xuquuqdooda haweenka.
"Waxaan yeeshay dareen ah sidii aan ugu qeybqaadan lahaa siyaasadda dalka iyo isbedelka cusub ee Soomaaliya. Waxaan si joogto ah oo firfircoon uga qayb-galay barnaamijyada UNSOM, gaar ahaan kuwa haweenka iyo dhalinyarada. Waxaana ka caawiyay abaabulka iyo fududeynta shirarka, " ayay tiri Samiira
Inkastoo ay Samiira ku guuleysatay abaalmarino badan oo shaqadeeda quseeyao, haddana waxa ay ku soo baxday tartankii qorista maqaalka xuquuqda haweenka ee 2015 ee uu soo abaabulay xafiiska UNSOM, waxayna ka mid noqotay saddex ka qayb-galayaal oo la soo xulay in ay noqdaan danjirayaasha dhalinyarada ee horseedka u noqonaya qorshaha ka qayb-galka hoggaaminta siyaasadda. Kaalintaasi ma aheyn wax ku cusub Samiira maadaama ay xubbin firfircoon ka aheyd Baarlamaanka Dhalinyarada Qaranka ee Kenya, intii u dhaxaysa 2005 ilaa 2011, halkaas oo ay ka qayb qaadatay in haween badan oo dhalinyaro ah ay ku biiraan hoggaanka
Samiira oo ka walaacsan dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ay haweenka Soomaaliyeed wajaheyaan - iyo baahida loo qabo in xal degdeg ah loo helo caqabadahaas -, Samira iyo guddigii dhalinyarada Soomaaliyeed waxay billaabeen in ay si weyn ugu ola-oleeyaan qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka Soomaaliya doorashada 2016
"Waxaan u doodaynaa qoondada haweenka, maxaa yeelay waxaa muhiim ah in haweenka ay qayb ka ahaadaan geeddi-socodka siyaasadda. Waxaan rabnaa in haweenka ay qayb ka ahaadaan gorgortanka go’aamada siyaasadeed, codkoodana la maqlo. Haweenku daacad ayay u yihiin bulshadooda, oo ay si howl-karnimo ah ugu adeegaan. Waxay garanayaan sida loo maareeyo hawlaha guryaha iyo in la helo Madaxweyne, wasiiro ama xubno ka tirsan baarlamaanka oo haween ah taasoo shaki la'aan horseedi karto horumar ay Soomaaliya gaarto. Waxaa intaa dheer in Soomaaliya dhiiri galin u noqon doonto qaaradda Africa inteeda kale "ayay tiri Samiira.
Samiira ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan halganka ay ugu jiraan xuquuqdooda, taasoo faa'iido u ah jiilka hadda iyo mustaqbalka.
In kasta oo ay Samiira hadda ka shaqeeyso Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo ay ka tahay la taliyaha dhallinyarada iyo arrimaha jinsiga. Samira oo jadwalkeeda sidaa mashquul u yahay haddana waxay wakhti u heshaa maamulidda xarun ay kula taliso dhallinyarada in ay helaan waxbarasho, shaqooyin iyo xiriirro kale.
Hadafka xarunta waa in la dhiirigaliyo dhalinyarada, gaar ahaan haweenka, si ay u helaan aragti iyo hadaf ka gacansiin karta gaarista yoolkooda.
In kasta oo Samiira ay ku gun-gaartay riyadeedii aheyd in noqoto horyaalka dadka u ola-oleeya xuquuqda haweenka, hadane Samiira weli hawl ayaa qabyo ka ah, waxaana bartilmaameedkeedu yahay in ay noqoto Madaxweyne.