Bayaan ka Soo Baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud oo Ku Saabsan Weerarkii Argagixisanimo ee Kismaayo, Soomaaliya
New York – Xoghayaha-Guud waxa uu cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay 12kii Luulyo magaalada dekedda ee Kismaayo, Soomaaliya.
Waxa uu tiraanyo iyo tacsiba u dirayaa qoysaskii ku nafwaayey weerarka waxa uuna kuwa dhaawaca ah u rejeynayaa bogsasho deg deg ah.
Xoghaya-Guud waxa uu markale adkeeyey in Qaramada Midoobay taageero iyo isgarab taaggba ku siin doonto bulshada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan mustaqbal nabad ah.
Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha-Guud.
New York