Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga
WAR-SAXAAFADEED 18/2016
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga) u diray dhamaan dadka Soomaaliyeed.
“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxaan idiin rajeynayaa Ciid aad u farxad badan oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waqtigani waa waqti xusuus leh oo qoysasku isku yimaadaan gebegabada bisha barakaysan ee Ramadaan si ay ugu dabaal-degaan sabarka iyo dulqaadka dadka cibaadaystay. Waxaan rajaynayaa in tani ay calaamad u noqoto isu dulqaadasho iyo dib u heshiisiin iyo inay wax kusoo kordhiso nabadda dalka guud ahaan.. Ciid Wanaagsan.”