QM oo daaha-ka-rogtey tababbar soconaya muddo bil ah oo lagu yareynayo halista walxaha qarxa ee Soomaaliya

19 Sep 2024

QM oo daaha-ka-rogtey tababbar soconaya muddo bil ah oo lagu yareynayo halista walxaha qarxa ee Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo ay Soomaaliya sii horumarinayso safarkeedda ku aaddan isku-tiirsanaanta iyo joogteynta amnigeeda qaranka, khatarta Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IEDs) ayaa weli halis ku ah. Waa ay saameyn ba’an ku reebeen bulshooyinka degaanka iyo ciidamada qalabka sida ee qaranka: 12-kii bilood ee la soo dhaafey, ku dhowaad 600 oo walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs) ayaa ka dhashey 1,500 oo waxyeello oo ka dhacey guud ahaan dalka oo dhan.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (CQS), oo taageero ka helaya Hay'adda Miino Baarista Qaramada Midoobay (UNMAS), ayaa waxaa ay hormuud ka ahaayeen dagaal ka dhan ah halista joogtada ah ee ka imaan karta walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).

“Waxaan u maleynayaa in qof walboo qolkan ku jira in uu garanayo sida ay halistan u tahay mid dhab ah. Bartilmaameedyada aasaasiga ah ee la beegsado waa askarta saaxiibadiinna ah ee ka tirsan CQS. Aad iyo aad ayay muhiim u tahay in la helo xal wax looga qabanayo halistan,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud  ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wuxuu ka hadlayay xafladii furitaanka koorsada 'tababbar-tababbaraha' oo muddo bil ah soconaya taas oo hiigsigeedu yahay kor-u-qaadista awoodaha CQS ay kaga hortagayaan walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).

Xaqiiqo naxdin leh

Martida ka soo qaybgashey daah-rogga tababbarka ayaa badankooda waxaa si toos ah u soo marey waayo-aragnimada khatarta ay wajahaan askarta.

“Waxaan la kulannay khatarro badan, oo ay ku jiraan jid-gooyada cadowga iyo walxaha qarxa ee macmalka ah ee meel fog laga hago. Waxan ku waynay saaxiibo badan,” ayuu yiri isagoo dib u xasuusanaya Gaashaanle Dhexe Maxamed Maxamuud Cawaale, oo sanado badan oo waayo-aragnimo ah u leh hawlgallada gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Sarkaal kale, Gaashaanle Sare Faysal Cali Nuur, ayaa nala wadaagay xusuus dareenkeenna kicisay oo ah dhacdooyinka walxaha qarxa oo naxdin leh.

“Waqtiyada qaar, walxaha qarxa ayaa nagu qarxayay annaga oo qodeyna, waxaanna ka dhalanayay khasaare. Iyadoo sabab u ah aqoonteenna kooban, ayaa waxaan xitaa maciin bidnay in aan dab ku shidno si aan u qarxino walxaha qarxa ee macmalka ah, taas oo keentay dhimasho hor leh,” ayuu yiri isaga oo sii sharxaya.

Istaatistikada waxaa ay hoosta ka xariiqaysaa cawaaqib-xumada: sanadkii 2023, CQS waxaa ay soo sheegeen 378 dhimasho iyo 451 dhaawacyo oo ka dhashey walxaha qarxa ee macmalka ah, taas oo muujinaysa halista sii socota ee ay wajahayaan ciidamada militariga iyo dadka rayidka ah.

Hagidda isku-tiirsanaan

Maadaama ay Soomaaliya ku sii socoto in ay la wareegto mas'uuliyadda buuxda ee amnigeeda, koorsooyinka sida midda maanta magaalada Muqdisho ka bilaabanaysa ayaa waxaa ay xaqiijiyaan in ciidamada qaranka dalka si fiican loogu qalabeeyo tababbarka, hagidda iyo ilaalinta.

Tan iyo 2020kii, CQS waxaa ay muujiyeen awood sii kobceysa oo ay kaga hortagayaan halisaha kaga imaanaya walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Horumarkan ayaa waxaa suurageliyay tababbarada, hagidda, iyo bixinta qalab takhasusi ah. UNMAS ayaa taageero joogto ah siisay ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo tababbartey 46 kooxood oo ah kuwa ka Hortagga Walxaha Qarxa (EOD).

Si loo xaqiijiyo isku-tiirsanaanta muddada-dheer ee CQS, ayaa koorsada maanta daaha laga rogey waxaa ay sii wadeysaa taageeradan, iyadoo 14 tababbartayaal dheeraad ah ay qaadanayaan tababbarka ka hortagga walxaha qarxa iyo Waddo Baarista, iyadoo lagu saleynayo tababbarkii hore ee UNMAS iyo waayo-aragnimadooda hawlgalleed.

“Marka aan horey u sii soconno, waxaan koorsadan 'tababbar-tababbaraha' u aragnaa in ay tahay qayb muhiim u ah sii wadidda dhisidda kartida Soomaaliya ay u leedahay maareynta iyo ka hortagga walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs),” ayuu yiri Mudane, Swan.

“Koorsadan waxay astaan u tahay guul muhiim ah, iyadoo tababbarayaal Soomaali ah ay markii ugu horreysay tababbarayaan arday Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijinayo joogteynta in CQS ay wax-ka-qabtaan khataraha ay walxaha qarxa ku hayaan bulshooyinka guud ahaan dalka,” ayuu yiri Fran O'Grady, Madaxa UNMAS ee Soomaaliya.

UNMAS, oo kaashaneysa dowladaha Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa sii wadda taageeridda CQS si kor loogu qaado isku-tiirsanaanta muddada-dheer ee lagu yareynayo halista walxaha qarxa ee macmalka ah (IED).

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh, wakiillo ka socday Waaxda Korjoogteynta Dhexe ee Xafiiska Amniga Qaranka, xubno kala duwan oo ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, iyo madax ka socotey ururrada kale ee bah-wadaagta caalamiga ah iyo QM.

Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay awoodda CQS ay u leeyihiin in ay iyaga tababbarkooda qabsadaan.

“Waxaan QM iyo bah-wadaagta caalamiga ah ugu mahadnaqaynaa dadaallada ay ku taageerayaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (CQS),” ayuu yiri.

Taageerada UNMAS ee Soomaaliya

UNMAS waxaa ay Soomaaliya ka xaqiijisaa in dadku ay bedqabaan oo ammaankoodu aad u sugan yahay oo sabab u ah awoodda sii kordheysa ee hay'adaha qaranka Soomaaliyeed iyo adeegyada amniga si loo yareeyo halista ka dhalan karta walxaha qarxa, oo ay ka mid yihiin walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). 

Tani iyo 2009, UNMAS Soomaaliya waxaa ay taageertay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo hadda ah Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyagoo bixinaya tababbar ku habboon yareynta halista-qaraxyada iyo bixinta siminaarro la siiyo ciidamada ka hor inta aan dalka la keenin iyo ka dib marka ay shaqada dhammeystaan. UNMAS Soomaaliya waxaa ay xubin qayb ka ah oo aan ka go’in ay ka tahay Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), iyada oo suuragelinaysa dadaallo lagu khafiifinayo halista Qaraxyada Macmalka ah oo muhiim u ah in si guul leh mas’uuliyadaha amniga looga soo wareejiyo ATMIS oo lagu wareejiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF).