QM oo ku baaqday in si degdeg looga shaqeeyo la-qabsiga isbeddelka cimillada ee Soomaaliya

22 Sep 2024

QM oo ku baaqday in si degdeg looga shaqeeyo la-qabsiga isbeddelka cimillada ee Soomaaliya

Muqdisho – Soomaaliya waxay hadda ka mid tahay dalalka ay sida ugu badan u taabatey dhibaatada cimillada taas oo si xun raad ugu yeelatey ikhtiyaarada maciishadda, uga sii dartey barakaca dadka, oo sii kordhisay sinnaan la'aanta iyo amni-darrada.

Iyadoo wax-ka-qabaneysa caqabadahan cimilada-la-xiriira, ayaa Qaramada Midoobay (QM) waxaa ay ku baaqdey in si weyn looga guuro habka ay Soomaaliya u wajahdo isbeddelka cimillada, intii ay socotey dood-cilmiyeed maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho. Waxa hadda diiradda la saarayaa kor-u-qaadista maalgelinta la-qabsiga iyo u adkeysiga cimilada si loo ilaaliyo maciishadaha malaayiin dad ah.

“Sanadkii 2023 waxaa uu ku bilowday xoogeysiga abaartii ugu xumayd ee abid dalka soo marta muddo nus qarni ah taas oo raad ku yeelatay malaayiin dad ah, oo kuna dhammaatay fatahaaddii ugu xumayd muddo 100 sano ah," ayuu George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Madaxa QM ee dalka  Isu-duwaha QM ee Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, uu ku sheegey hadalladiisa furitaanka dood-cilmiyeedda.

“Waxqabadyada bani'aadamnimada waa muhiim si naf loo badbaadiyo. Laakiin haddii aan la maalgelin la-qabsiga, dhisidda adkeysiga, markaa waxaa sii soconaya sare u kaca heerarka nuglaanta ba'an iyo halista dalka,” ayuu hadalkiisa ku darey.

Dood-cilmiyeedka ay QM taageertay, oo ay soo wada abaabuleen Machadka Cimillada iyo Deegaanka (ICE) ee Jaamacadda SIMAD iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mowduuciisu ahaa "Kobcinta adkeysiga, xoojinta la-qabsiga, iyo u midoobidda wax-ka-qabashada," ayaa waxaa isugu yimid mas'uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socdey qaybaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka ah, aqoonyahno, dhallinyarao, iyo ururro caalami ah.

Dhibaatooyinka cimillada waa dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha

Dhibaatooyinka cimillada la xiriira ee aan horey loo arag ee ay Soomaaliya wajahayso waxaa ay u baahan yihiin wax-ka-qabashada xaaladaha bani'aadamnimo oo degdeg ah, kuwaas oo muhiim ah maadaama ay nafo badbaadiyaan.

Haseyeeshee, iyadoo la eegayo baaxadda iyo soo noqnoqoshada dhibaatooyinka, wax-ka-qabadyada xaaladaha degdegga ah oo kaliya dad kuma filna wixii hadda ka dambeeya.

Haddii aan la maalgelin la-qabsiga, dhisidda adkeysiga, waxaa sii soconaya sare u kaca heerarka nuglaanta ba'an iyo halista dalka uu ku sugan yahay.

"Dhibaatada cimillada waa dhibaato xuquuqda aadanaha ah, xuquuqda nolosha, xuquuqda cuntada, xuquuqda caafimaadka, xuquuqda biyaha iyo xuquuqda fayadhowrka," ayuu yiri Mudane Conway.

“Waxaan u baahanahay xuquuqda aadanaha in aan xuddun uga dhigno munaaqashada iyo shaqada aan Soomaaliya u qabanno ee ku saabsan ajandaha cimillada,” ayuu hadalkiisa ku darey.

Mudane Conway ayaa ku baaqey in isbeddel lagu sameeyo wada-xaajoodyada siyaasadda ee qaabeyn kara habka ay Soomaaliya ula tacaamusho isbeddelka cimillada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo u dhammaanshaha, in ay metelaad ku yeeshaan iyo ka-qaybgalka kooxaha aan joogin madasha noocaas oo kale ah – kuwaas oo ah haweenka, kooxaha la haybsooco, dadka naafada ah.

Gabar da'yar oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimillada oo lagu magacaabo Sucdi Nuur ayaa waxaa ay aqoon u leedahay saameynta weyn ee isbeddelka cimillada uu ku leeyahay haweenka, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya beeraha, oo ah il aasaasi ah oo ay dakhli ka helaan qoysas badan. 

“Abaaraha iyo fatahaadaha ayaa aad u xaddida waxsoosaarka beeraha, oo horseedaya dakhli lumin iyo yaraanshaha awoodda wax-iibsiga ee dad badan,” ayay sheegtey Sucdi.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka, Maxamed Barre, ayaa hadalladiisa hoosta kaga xariiqay doorka muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ka qaadan karaan la dagaallanka isbeddelka cimillada. Wuxuu xusay in ay aasaasi tahay ka-qaybgalka firfircoon ee dadka dhallinyarada ah ee hindisayaasha cimilada iyo wax-ku-biirintooda dadaallada wacyigelinta bulshada.

Dadaallada wadajirka ah ee la-qabsiga

Marka mustaqbalka loo fiirsado, Dowladda Soomaaliya waxaa ay ballanqaadday dhowr tallaabo oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dejinta qorshaha qaran ee u adkeysiga cimillada iyo qaabka guud ee maalgelinta cimillada si loo hubiyo in doodaha ay u xuub-siibtaan horumar la taaban karo.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa kaga dhawaaqey dood-cilmiyeedkii maanta qorshe ay hiigsanayaan oo ah in ay beeraan 10 milyan oo geed sanadaha soo socda, iyadoo 400,000 durba la beeray.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya in ay diyaar u tahay mamnuucidda bacaha halka mar la isticmaalo laga bilaabo bisha Oktoobar.

“Isbeddelka cimillada ma ahan arrin fog. Waxaa ay u baahan tahay in si degdeg ah aan wax uga qabanno. Wadajirkeenna, waxaan Soomaaliya ka dhigi karnaa meel cagaaran,” ayuu yiri Wasiir Axmed Cumar.

Tallaabooyinkan waxaa ay qayb ka yihiin in si weyn looga guurey fikirka iyo siyaabaha gacan ka qabashada ah ee isbeddelka cimillada wax looga qabto. Wax-ka-qabashada waa in diiradda lagu saaro sii kordhinta maalgelinta la-qabsiga cimillada iyo dhisidda-adkeysiga.

Dood-cilmiyeedka waxaa ay ku soo dhammaatey ansaxinta warqadda mawqifka iyo aragtida uu soo bandhigey machadka ICE, taas oo koobaysa soo-jeedimyada siyaasadda isbeddelka cimillada ee Dowladda Soomaaliya iyo daneeyayaasha caalamiga ah.

Agaasimaha Machadka ICE, Maxamed Cukaash, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo waxqabadyada xuquuqaha ku saleysan oo ay hormuud ka yihiin bulshooyinka degaanka iyo hababka hal-abuurka leh si loo soo-jiito maaliyadda cimillada ee barnaamijyada qaran ee la-qabsiga.

“Waa in aan mudnaansiinaa istiraatiijiyadaha la-qabsiga ee awoodda siiya bulshooyinka degaanka iyo xaqiijinta in codadkooda lagu maqlo wada-xaajoodka cimilada,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyay Mudane Cukaash.